Baarlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir iyo Khilaafka hor leh.

Ayadoo mudooyinkii danbe uu khilaaf hareeyey habsami u socodkii hawlaha maamulka Galmudug ayaa haatan wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxa ay sheegayaan in kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi Galmudug Cali Gacal Casir.

Kulankan ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 147 Xildhibaan, waxaana xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir illaa 146 Mudane, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maalintii labaad ku soo gabagabeeyay mooshinka kalsoonida kala noqoshada ay ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal, iyadoo maalintii shalay bilaabatay dooda mooshinka.

Xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal ayaa sii xoojineysa khilaafka ka dhex qarxay Maamulka Galmudug oo markii horeba la daala dhacayay khilaafaad soo laab-laabtay.

Inta badan Xildhibaanada xilka ka qaaday Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa ah kuwii ka yimid Maamulka Ahlusuna ee lagu daray Baarlamaankii Galmudug ee lagu soo dhisay magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

About the Author

Isha Wararka
This news website is dedicated to declare news about Somalia and the rest of the world to the visitors.