Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib dhawr maalmood oo ku sugnaa Jabbaland

Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ka dib markii ay horraantii Todobaadkan socdaal shaqo ku tageen asaga iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirarada Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen Kismaayo waxay kulammo kala duwan lasoo qaateen mas’uuliyiinta ugu sarreeysa maamulka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulammadii dhex maray Labada dhinac ayaa lagu soo dhammeeyay mad-madoowgii iyo kala aragti duwanaanshihii ka dhex jiray madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland, socdaalkaas oo kusoo dhammaaday guul iyo is Af-garad.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About the Author

Isha Wararka
This news website is dedicated to declare news about Somalia and the rest of the world to the visitors.